Garnaqsi!

Dadka maanta sida dareenka xooggan iyo cadhada kaga falcelinaya calamada buluugga ah ee qaybo dalka ka mida laga lulay, xagay ku maqnaayeen markay masuuliinta xilalka ugu sareeya hayaa “soomaaliweyn” ku eedaynayeeb xisbi dhan oo haysta taageerada aqlabiyadda Somaliland? Ee weliba warbaahinta qaranka laga soo daynayey oo ay ku celcelinaysay!

Dhanka kale, marka inta calanka maanta lulaysa iyo inta masuuliinteenna “Somalilweyn” ku sheegeen laysku daro, saw noqon mayso in aqlabiyadda Somaliland kasoo horjeeddo qaddiyadda Somaliland u taagan tahay?

Imisa jeer ayaannu ka digaynay hadalladaa xanuunka badan ee aan laga fiirsan!

Calan meel laga lulo waxaa ka xanuun badan been abuur iyo dacaayad raqiisa lagula kaco ummad dhan oo u taagan qaddiyadda Somaliland!

Bal waa taase yaa inoo garnaqaya?

Xuseen Xasan Saalah Dhego