









𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐚 𝐒𝐢𝐟𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐞𝐥𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐂𝐮𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚, 𝐛𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐱-𝐤𝐚-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐤𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka aroortii hore booqasho ku tagay Qaybta Sifaynta Kelyaha ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo uu qof qof ula kulmay bukaannada adeeggaasi ku tiirsan, isaga oo xog-ogaal u noqday xaaladdooda caafimaad iyo caqabadaha ay la kulmaan mararka qaar.
Madaxweynuhu waxa uu si dhow u dhegaystay cabashooyinka iyo baahiyaha bukaanka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in daryeelka caafimaadku yahay waajib Qaran, isla markaana ay Xukuumaddu ka saaran tahay masuuliyadda ugu weyn ee hubinta helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Madaxweynaha waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegeystay Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka ee Hargeysa, oo ka xog warramay xaaladda adeegga sifaynta kelyaha, baahiyaha jira iyo caqabadaha horyaalla.
Madaxweynuhu waxa uu ballan qaaday in Xukuumaddu ay si degdeg ah wax uga qabaneyso baahiyaha iyo cabashooyinka ka jira adeegga sifaynta kelyaha, gaar ahaan dhinacyada mishiinnada sifaynta, agabka caafimaadka iyo qalabka kale ee lagama maarmaanka u ah sii socoshada adeeggan naf-badbaadinta u ah bukaannada sida joogtada ah ugu baahan sifaynta kelyaha.





