KILAAFKA SIYAASADEED EE SOMALILAND MAXAA KHAWIJIINTA SOMALIA SIYAASADEEDA MAAMULA KA FEKERAYAAN HADII EY LAGA HESHIIN WAAYO ARIMAHA DOORASHOOYINKA.

KHILAAFKA SIYAASADEED XALKIISA SOMALILAD IYADDA ISKU FILAN. DAREENKA KU SALEYSAN MASHARIIC IYO MAXMIYADDA MOQDISHO LAGU MAAMULO SI DADBAN UMA DIYAAR AH. WEYNA ISKU FILAN TAHEY

Khilaafka siyaasadeed ee Somaliland markii la arkey. Konfurka iyo Khawajiyiinta Somalia waaley waxey ka fekeraayaan. Somaliland iney ka dhigaan Maamul goboleed ka kooban 3 Maamul goboleed.

1. Sool iyo Sanaag iyo Saraar.
2. Togdheer iyo Saaxil iyo Oodweyne
3. Marood jeex, Awdal, Seylac oo ciise laga waddo.

Waxey ka fekerayaan siyaasadii lagu aasaasey dowladda fedearalka ee shirkii Carta. Goboladdan ayaa lagu qeybinaya habqabiil oo lagaga fekerayo xildhibanaadda Federaalka ugu jira ee aaney aqoonsaneyn Somaliland iney metelaan.

Waxaaney siweydiin. Somaliland shaxdan kama hirgaleyso, Waana laga heshiinaya khilaafka siyaasadeed. Balse iyagu waa macaash doon iyo iney soo faro-galiyaan siyaasadda Somalialnd.

Ragna waa inoo tashana inaguna talo ma heyno. Waxaan ugu baaqayaa hogaanka Somaliland in Madaxweynuhu furo miiska wadda hadalka. Lagana wadda arimaha doorashoyinka.

Xisbiyadduna aaney TV uun fariimo isu marine si xilkasnimo. Madaxweyne Muuse u yeedho kavadda xisbi qaran intaan sanadka cusub la gaadhin. Khilaadka doorashoyinka la isla meel dhigo. Sababtoo ah fekerkan waxa keeney waxey u arkaan in Somaliland gacan ka hadal ka dhacayo hadaan laga heshiin arimaha doorashoyinka.

Taaso ey ku doodayaan niman isu heysa iney ku takhasasuseen arimaha Siyaasadda Geeska Africa in shacabka Somaliland dowladdnimadda ey sameysteen iyo nidaamka asxaabta badan aanu aheyn mid ku taagan rukumo adag.

Maadama ey aaminsan yihiin weedhaha saaxafadda la isu marinaya iney yihiin kuwo ku dhisan cunfsi iyo kala fogaansho qabyladeed aaneyna hanan karin dowladdnimadda ey dhisteen 1991 18 May.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari