Cali Guray oo Magac Cusub u Bixiyay Cirro oo uu Sheegay in Madaxweyne loo Dooran doono
Hargeysa(Qaran news)-siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in saadaasha codbixiyeyaasha Somaliland Boqolkiiba lixdan ay madaxweyne u dooran doonaan murrashaxa xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Cali Guray wuxuu sheegay in Ilaahay ku simo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo uu u bixiyay Cabdiraxmaan Miyir.
Sidaasna wuxuu sheegay qoraal uu ku baahiyay Facebook-giisa, waxaanu tilmaamay in isbeddelkaas ay wax yari inooga hadhay.