Hargeysa(Qaran)- Waxa isa soo taraya in xudduuda Wajaale ee dhinaca Itoobiya lagu dhibaateeyo ummadda reer Somaliland ee u tallaabaya dalka Itoobiya.

Sidoo kale qofka bilaa sharciga ahina ma geli karo Itoobiya oo dib ayaa loogu celiyaa Somaliland, qofka sharci sita oo bixiya lacagta feega ah oo waliba si culus loo baadhay ayaa gali kara uun ama u talaabo kara xaga Itoobiya, taasi oo ah mid sharci ah oo ay Itoobiya xaq u leedahay

Sidoo kale ma jirto wax baadhis ah oo lagu sameeyo dadka xadka Itoobiya ka soo gelaya Somaliland. Iyadoo Xudduuda Somaliland ay noqotay meel iska furan oo argagixiso iyo dambiileyaal kaleba ka soo geli karaan iyo dad bilaa sharci ah oo dalka u soo gala in ay ka dawarsadaan siyqyada magaalooyinka Somaliland iyo sidoo kale kuwo si sharci daro ah dalka uga shaqaysta kuwaasi oo culays dhaqaale iyo mid caafimaadba ku haya caasimadda

Mana jirto wax muhiimad ah oo laanta socdaalku ay siiyaan arrintan halista ah oo u baahan in Xukuumaddu wax ka qabato, inta aanay falal ammaanka halis ku ahi ka dhicin.

Waxa haboon in dadka dalalka jaarka iyo meelaha kaleba ka imanaaya ee suyqyada magaalooyinka ka dawarsanaaya la diwaan galiyo oo wixii qaxooti ah lala kaashado caalmka sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa ama dalkoodii loogu celin lahaa iyada xiligani ay dadka muwaadiniinta ah ay qaar badan soo food saartay cunto yaraani kuwaasina loo hawl galo sidii loo taageeri lahaa