Haweenka subixii firfircoon ayaa la sheegay inay khatar yar ugu jiraan inuu ku dhaco kansarka naasaha, sida ay sheegeen baarayaal UK u dhashay.

Baarayaasha oo ka tirsan Jaamacadda Bristol ayaa sheegay in sababta arrintaasi keentay ay weli u baahan tahay in shaaca laga qaado.

Waxay intaas ku dareen in daraasaddan ay muhiim tahay iyadoo laga yaabo inay saameyso haweeney walba.

Khubarrada ayaa sheegay in daraasadda oo lagu soo bandhigay Shirka NCRI ee Kansarka ee magaalada Glasgow, ay faham wanaagsan ka bixisay muhiimadda ay hurdadu u leedahay caafimaadka.

Qof walba wuxuu leeyahay saacadda jirka, taas oo maamusha sida uu jirku u shaqeeyo celcelis ahaan muddo 24 saacadood gudahood ah.

Waxay saameysaa wax walba laga soo bilaabo markaan seexanno, xaaladdeenna iyo xitaa khatarta aan ugu jirno wadno-istaagga.

Balse saacadaha jirka ee dadka isku waqti ma sheegto.

Dadka subixii ayaa aroortii soo kaca xilli horana wax qabsada, waana kuwo daala marka la gaaro casar-liiqa.

Dadka fiidkii ayay ku adag tahay inay kacaan xilli hore aroortii, waxayna wax qabsadaan oo ay firfircoon yihiin xilli dambe fiidkii, waxayna door bidaan inay xilli dambe habeenkii seexdaan.

Bbcsomali