Dawladda Iiraan oo Sheegtay in Dalalka G7 ay Daawanayaan Xasuuqa Falastiiniyiinta

Tehran (Qaran news)-Dawladda Iiraan ayaa sheegtay in dalalka wershadaha ku tanaaday ee G7 laga filayay inay joojiyaan xasuuqa Israa’iil ku hayso dadka Falastiiniyiinta ah. Hase ahaatee ay dalalkaas daawanayaan oo kaliya fal-dambiyeedyada Israa’iil.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Mr. Nasser Kan’ani ayaa sheegay in dalalka G7 ay sameeyeen dulmi weyn oo ay iskaga indho-tirayaan xadgudubyada dagaal ee israa’iil ku gumaadayso dadka rayidka ah ee reer Falastiin.

Afhayeenku wuxuu tilmaamay halkii laga sugayay inay cambaareeyaan israa’iil ay soo saareen dhambaal ay ku taageerayaan falalka ay samaysnayso.

Dawladda Iiraan waxa ay sheegtay in dad 10 kun oo qof ka badan oo falastiiniyiin ah la dilay, kuwaasi oo 4,324 carruur ahaayeen, halka 2,823 qofna haween ahaayeen, taasina ay ceeb ku tahay in dawladaha reer galbeedku daawadaan.