Dawladnimadda waxa ku ceeb ah inaan loo meel dayin halka loo socdo iyo waxa la rabo midnaba; dalka iyo deegaamadda Somaliland waxa jooga kumanaan aqoonyahan oo aqoon dawldnimo leh kana soo kala jeedda deegamadda kala duwan ee qaranka.
sidaas oo ay tahay matali kara dadkooga iyo deegaankoogaba.
Waxa ceeb weyn ah iyada oo dadka kala duwan ee dalku kala aragtiyo yihiin, dagaalo dhaceen in haddana ugu yaraan qof aan qadiyad lahayn, moral compass lahayn oon laba aragti ahaynba cida magacaabaysa systemka dawliga ah lasoo galiyo.!
Si hoggaanku u guulaysto waa inuu keeni karo cid ay isku aragti yihiin amaba isku soo dhawaan karaan.
Badhasaab ku xigeenkan hadda la magacaabay aragti ahaan uun ma aha sidan, ee sidoo kale walaalkii ayaa ahaa agaasime ku xigeenka NISA, haddana ah sarkaal sarre oo ciidanka xooga soomaliya u qaabilsan zaadka; sidaas oo ay tahay xilalkani amni sida ay isku saamaynayaan maaha wax sahlan.!