Degdeg: Booliska oo Baafinaya Ciddii Lahayd Lacag la Dhacay oo ay Qabteen

Hargeysa(Qaran)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa baafinaya ciddii lahayd lacag ay sheegeen in lagu qabtay eedaysane ay ciidanku gacanta ku soo dhigeen.

War ka soo baxay ciidanka booliska JSL, lagu sheegay in qofkii lacagtaasi lahaa laga doonayo tiradeeda, waxaanay qoraalka Boolisku u qornaa sidan :-

“Taliska Ciidanka Booliska JSL, gar ahaan Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa waxa uu raadinayaa qofkii lahaa lacag maanta lagu qabtay Eedaysane Axmed Maxamed Ibraahim 32 Jir Ina Faadumo Maxamed Cabdillaahi, kaasi oo ciidanka boolisku ku soo qabteen lacagtaasi, isaga oo soo dhacay, Lacagtaasi oo iskugu jirta Somaliland Shilin iyo Doolarba.

Waxa qofka lacagtaasi ka maqantay laga rabaa ina uu sheego tiradeeda.

Haddaba, waxaanu ka codsanaynaa dhammaan shacabka Somaliland ina ay ciddii lacagtaasi ka maqantay inay tagaan Saldhiga Dhexe Hargaysa ama garacaan numberkan 0634408459.

Ciidanka Boolisku waxa uu halkan digniin uga dirayaa dadka falalka noocaasa caado ka dhigtay , kuna hawlan ina ay dhacaan hantida dadweynaha, waxaanu u sheegaynaa ina ay ka waantoobaan, haddii kale gacan bir ah lagu qaban doono”.