Xisbiga Waddani oo la shiray qaar kamida dhalinyarada Hargaysa.
Hoggaanka Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee Xisbiga WADDANI ayaa maanta Xarunta Dhexe ee Xisbiga kulan kula qaatay qaybo ka mid ah dhallinyarada caasimadda Hargeysa. Kulankan ayaa qayb ka ahaa dardar gelinta hawlaha Xisbiga.
Kulanka waxa sidoo kale ka soo qayb galay oo hadallo ka soo jeediyay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo Masuuliyiin kale kuwaas oo dhallinyarada ku dhiiri geliyay in ay kaalin weyn ka qaatan dadaallada lagu doonayo in dalkan doorasho ka dhacdo 13-ka November.