Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo heshiis xabbad-joojin ah gaadhay

COMBO-SUDAN-CONFLICT-BURHAN-DAGLO
SUDAN-CONFLICT-BURHAN-DAGLO

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in wadahadallo xooggan oo socday 48-kii saacadood ee la soo dhaafay, in ugu dambayn ay ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan iyo xoogagga sida gaarka ah u tababaran ee RSF, inay isku raaceen in la dhaqangeliyo xabbad-joojin guud oo dalka oo dhan ah, taas oo bilaabanaysa saqda dhexe ee habeeninada Isniinta ee ku beegan April 24-keeda, kuna eg muddo 72 saacadood ah.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay, in xilliga ay socoto xabbad-joojintu, in Maraykanku uu ku boorinayo dhinacyada isku haya dalka Sudan, inay si buuxda u dhaqangeliyaan xabbad joojinta.

“Si xal waara loogu helo, loona joojiyo dagaalka, wuxuu Maraykanku isku dubaridi doonaa, saaxiibada gobolka, kuwa caalamiga ah, iyo daneeyayaasha bulshada rayidka ah ee Suudaan, si ay gacan uga geystaan abuurista guddi kormeera wadahadalada, hirgelinta in si rasmi ah loo soo afjaro colaadda, iyo weliba kaalmooyinka bini’aadanimo ee dalka Sudan” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka.

Maraykanka ayaa sheegay inay sii wadayaan in kala shaqeeyaan dhinacyada Sudaan iyo weliba saaxiibada kaleba, sidii loo gaadhi lahaa yoolka guud ee ah, in xukunka dib loogu celiyo xukuumad rayid ah.