Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa subaxnimadii Jimcaha soo saartay digniin ay dadka ku nool caasimadda Riyadh ugu sheegtay inay galaan goobo ammaan ah, si ay isaga ilaaliyaan weerarro la filayo inay dhowaan dhacaan.

Digniinta ayaa meesha laga saaray dhowr daqiiqo kaddib. Isla waqtigaas, hay’addu waxay barteeda bulshada ku baahisay digniin kale oo sheegaysa in ay sharci-darro tahay in la duubo, la faafiyo ama la diro muuqaallo la xidhiidha nidaamyada lagu fashiliyo weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dhanka kale, warbaahinta qaarkeed ayaa sheegtay in qarax laga maqlay magaalada Riyadh, balse ilaa hadda ma jiraan faahfaahin ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah ama kuwo madax-bannaan.