Fahima Yusuf Quunje waa gabadh reer Somaliland ah oo ilmaheeduna yahay reer Hargeisa kana soo jeeda mid ka mid ah beelaha dega Hargeisa,  Sanaag,Togdheer,Sool iyo Saaxil meel kalana kuma noolaanayaan oo aan Hargeisa ahayn  dalka dawlad iyo sharci ayuu leeyahay.

Dadku waa is wada yahay hoos ha la isu eego, caasimadda waxa u siman dhamaan gobolada dalka oo dhan, ta kale dhibkii ama dagaalkii ka dhacay Sool ma jirto cid uu si gaar ah ugu dhacay labada dhanba dhibi gaadhay waxa loo baahanyahay is cafis iyo wada noolaansho.

Waxa amaan leh dadka reer Hargeisa ee ka soo jeeda xaafad walba ee heeganka ugu jira dadka ka soo.laabanaaya Sool bari.

Somaliland bari iyo galbeed waa dad walaalo ah oo Ilahay meel wada dhigay

 

Somaliland guul

 

Xuseen Xasan Saalax

Hargeisa