Gudomiye Maxamud Hashi marku yidhi waxan ka soo horjeeda magaaada safaarada laga furay wuxu garanwaayay marka waddan ku aqoonsado adigu ma lihid kala doorasho magaalada aad safaaradaada ka furanayso. Waddanka ku aqoonsaday ayaa kuu sheegaya oo ku siinaya dhul aad ka dhisato safaarad. Dawlada Somaliland na iyo M/W Cirro kama filayno inuu aqoonsiga ku diido isaga oo magaalo kale jecel. Xisbiga KAAH wuxu is tusay wax aan muran ba Geli karin. Somaliland way ku khasban tahay magaalada Israel tidhaahdo ka furo safaarad.
Waxa kale oo xusid mudan laga soo bilaabo Yassin Arafat illaa kuwa imika jooga; dadka falastiiniyiinta ah waxay ogolaadeen in galbeedka Jerusalam yahay dhul Israel leedahay. Markaa haddii kuwii dhulka lahaan jirayba qirayaan in Dhulka Israel leedahay; maxaa xisbiga KAAH xiijinaya ee ictiraafkeena muran u gelinayaan? Haddii aanay ictiraafka diidanayn. Runtu waxa weeye dadka Somaliland aqoonsigeeda ka soo horjeeda ama ha joogaan Djibouti, Somalia, Nairobi ama Hargeysa sidii kuwii jimcaha masjidada ka qaylinayay; ayaa qodobkan magaalada safaarada laga furay marmarsiiyo ka dhigta. Shicibka Somaliland waxay ogyihiin in xisbiga Waddani markuu mucaaradka ahaa huwan inoo soo raacay oo cidanka badhna dilay badhna dhabar jebiyay, maantana nasiib darro way arkaan in xisbiga KAAH soo raacay cadawgeenii aqoonsigeena necbaa. Mid qiiq isku qariya iyo mid kaleba.
W/Q. Dr. Rashid Garuf





