Fannaanka Cabdinaasir Macallin Caydiid, oo warraysi murugo ka muuqato siiyay Horyaal TV ayaa sheegay in ummaddiisu dayacday xilli uu u baahan yahay oo uu xanuun la ildaran yahay.
Fannaanka ayaa sheegay in wasaaradda Warfaafinta oo uu ka tirsanaa muddo dheer mushahar yar oo uu ka qaadan jiray ay qayb ka jareen markii uu xanuunsaday waxa ay ugu daraan daayee.Sida uu sheegay waxaa lagu bedelay oo la siiyey lacagtiisii  ama mushaharkiisii qeyb ka mid ah qof kale
Cabdinaasir, waxa uu sheegay in kiradii guriga lagu leeyahay laba bilood, Carruurtiisana uu u werwerayo.
Xanuunka haya Cabdinaasir, ayaa dhakhaatiirtu sheegtay in aan dalka gudihiisa waxba laga qaban karin.
Soomaalida ayaa caan ku ah in qofku markuu dhinto ay Aas Qaran u sameeyaan oo taariikhdiisa ka sheekeen balse Fannaanku maanta ayuu gacan qabad u baahan yahay sida uu sheegay.