GARAADDADA IYO SIYAASIYIINTA DHULBAHANTE WAX MA KA QABAN KARAAN LAASCAANOOD.

Magaalada laascaanood (SUWEETO) oo noqotay meelaha ugu xasaradaha badan geeska Afrika ayay dawladda Somaliland culays badan saartay sidii dadkaasi ay nabad gelyo u heli lahaayeen.

Nabad gelyo waxa ugu horraysay markii ciidanka s. Land ay tageen waqtigii daahir riyaale, way dhisantay magaaladu nidaam ahaan iyo dad ahaanba iyadoo horumarku sare u socdo ayuu waqtigii Muuse Biixi kacdoon weyn oo ay hogaaminayaan garaaddada iyo siyaasiyiinta dhulbahante ka bilaabmay kaas oo ay ku dumiyeen nidaamkii iyo kala danbayntii dadkooda.

Waqtigan waxa isasoo taraya walaaca laga qabo dhibaatada Laascaanood saamaynta ay ku yeelanayso geeska afrika taas oo aanay maanta waxba ka qaban karayn garaaddadii dagaalka ka riday iyadoo looga cabsi qabo inay xarrun argagixiso noqoto sababtoo ah kacdoonka waxa horkacayay falal arggagixiso oo laga hagayo degaamada dhulbahante.

Mustaqbalku wuu fogyay xasilooniduna waxay ku xidhantay siday dadkeedu uga hawl galaan si ay uga samato baxaan hadimooyinka xamar kaga soo socda.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.