GEESKA AFRIKA WAXA KA XOR AH SOMALILAND IYO KENYA.

Geeska afrika oo adduunyada muhiimad weyn u leh waxa ku habsatay kelitalisnimo ku haysa dibudhac weyn oo hakisay is aaminkii adduunyada iyo horumarkii dadkoodu uu kaga bixilahaa fakhriga hadheeyay iyadoo dhulkoodu uu yahay degaan qaniya,kama faa’iidaysan karaan dadkaasi maalgashi caalamiya iyo mid ganacsi oo gudaha dadkooda ah toona sababtoo ah waxa dabraya nidaamka keli taliska ah oo cid gaar ah faa’iidooyinka waddanka kooto ugu xidhay.

Haddaynu tusaale u soo qaadanno jabuuti, ereteriya, iyo ithoobiya waxa ku habsaday nidaam keli talis ah kama dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ahi, taladu waxay ka go’daa madaxweyneyaal sida boqortooyooyinka u shaqeeya oo aan waxba ku qaadan dhibaatooyinkii iyo baaba’ii dhulkooda ka soo dhacay waad arkaysaan ethopia iyo ereteriya inay dagaal iskula jiraan aan dhammaanayn sabatuna waa keli taliska oo marbba meel isku qaada si uu xukunka u adkaysto Kenya waa dal dimuqraadi ah waxa ka dhacay intay geelle iyo isaayas afwarki joogeen doorashooyin dhawr ah.

Somaliland waa dalka doorashooyinka kaga horreeya dawladaha waaweyn ee afrika dimuqraadiga ka ah waxay maraysaa madaxweynihii lixaad halka jabuuti uu u sharraxanyahay mar lixaadkii ismaaciil cumar geelle oo cimri ah kali talisnimadu waa masiibo ragaadisay afrika gaar ahaan geeska afrika oo u baahan madaxdoodu inay ka fekerto mustaqbalka fog ee dadkooda.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.