Golaha Wakiillada oo Ansixiyay Isasaarka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay isa saarka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda.

Fadhigii maanta oo uu guddoominayay Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir (Fatatoon) waxa goluhu warbixin ja dhegaystay guddidii is waafajinta doorashooyinka ee goluhu hore u saaray, waxaanay guddidaasi golaha u soo jeedisay in la isa saaro labada doorasho iyadoo farsamo ahaan wax lagu daray qoddobada xeerka doorashooyinka.

64 xildhibaan ayaa ogolaaday soo jeedinta isa saarka doorashooyinka, halka 3 Xildhibaanna ay ka aamuseen, waxana diiday 7 Xildhibaan, sidaas ayuu ku meel maray 8xeerkaasi oo soo afjaray khilaafkii doorashooyinka ee muddada dheer ka taagnaa Somaliland.
Geesta kalena Xildhibaannada Golaha Wakiilladu waxay ansixiyeen soo jeedinta oo ay golaha Wakiillada Somaliland qaraar gole ku ansixiyay Qodobadii soo jeedinta xildhibaanada reer Awdal oo wax ka bedel lagu sameeyay qaar ka mid ah go’aamada.

Soo jeedinta xildhibaanada Awdal ayaa ahaa afar qodob kuwaas oo kala ah.

1: In la furo dastuurka Somaliland

2: in la kordhiyo goobaha la dhigo sanduuqa codbiciyaasha ee gobolka Awdal.

3: in Madaxweyne Biixi uu dib u eegis ku sameeyo saamiga xukumaddiisa ee Awdal

4:in la kordhiyo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Awdal oo la kordhiyo.