Golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa laalay wax-ka-beddelkii xeerka jinsiyadaha.
Mudanayaasha golaha wakiillada ayaa saaka cod aqlabiyad ku meel mariyay laalista wax-ka-beddelka xeerka jinsiyadaha.
Golaha waxa fadhiyay 45 mudane, waxa oggolaaday laalista xeerka 43 mudane, halka guddoomiyahununa aanu codayn, 1 mudane diiday, cid ka aammustay na aanay jirin.





