Guddi Guurtidu u Xilsaartay Shaqaaqada Ceel Afweyn oo ka Hadlay Awaamiir la soo Rogay

Hargeysa(Qaran news)-Guddidi golaha guurtida Somaliland u saaray xal u helista xaalada degmada Ceel Afweyn, ayaa sheegay in ay taageersan yihiin amarada iyo go’aanada ciidamada Qaranka iyo maamulka gobolka Sanaag, waxaanay bulshada fareen inay u dhaga nuglaadaan oo sida ay yihiin ay u qaataan amaradaasi.
Sidoo kale waxa ay xuseen guddidu in mudadii koobneyd ee ay joogeen ciidamada Qaranku ay wax hurdo ahba seexdeen, taas oo muujinaysa in xaalada abni ee degmada Ceel Afweyn aanay wanaagsanayn.
Geesta kale waxa ay fariin u direen odayaasha iyo waxgaradka beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay degmada Ceel Afweyn waxaanay ka codsadeen in maalinta Sabtida ay yimaadaan hoolka shirarka ee dowladda hoose degmada Ceel Afweyn, ahna goobta ay ka bilaabmayaan wada xaajoodka labada beelood.

Guddoomiyaha guddida golaha guurtidu u wakiishay xal u helista xaalada degmada Ceel Afweyn, Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud (Jirde) ayaa sidan warbaahinta u sheegay.
Waxaanu yidhi.“Muddo 23 cisho ayaanu joognay, degmada Ceel Afweyn, 3-da habeen ee ay nala joogeen ciidanka Qaranku ayaanu seexanay, taasi waxa aanu uga mahad naqayna ciidanka Qaranka iyo Ilaahay oo inoo suuragaliyay.”

Guddoomiye Jirde isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay taageersan yihiin go’aanka ciidamada Qaranka iyo maamulka gobolka Sanaag.

Waxaanu yidhi.“Waxa aanu u sheegayna bulshada Ceel Afweyn in aanu taageersanahay amarada ay soojeediyeen maamulka gobolka iyo ciidamada Qaranku, waxaanu leenahay halagu dhaqmo”

Geesta kale waxa uu faray in maalinta Sabtida haddii ALLE qadaro ay isugu yimaadaan hoolka shirarka ee dowladda hoose ee degmada Ceel Afweyn, si loo bilaabo wada hadalada nabada loogu raadinayo xaalada taagan.
Waxaanu yidhi.“Waxaanu farayna odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ee shaqaaqadu dhexmartay, in maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda haddii ILLAAHEY yidhaahdo inay yimaadaan hoolka dowladda hoose ee degmada Ceel Afweyn.”

Xildhibaan Jirde waxa uu ka codsaday bulshada reer Ceel Afweyn inay iska qabtaan cidkasta oo duulaan ku ah nabadgelyadooda.
Waxaanu yidhi.“Waxaanu ka codsanaya bulshada Ceel Afweyn dad aan badnayn ayaa cadow u ah nabadgelyada ee fara cididood haku qabtaan.”