INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehellada, qaraabada, culimo-awdiinka, aqoonyahanka, asxaabta iyo Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay, AHN Wasiirkii hore ee Wasaaaradda Diinta iyo Aw-qaafta JSL, marxuum Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, oo xalay 16/04/2023-ka ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay Sheekh caalim ah oo wakhtigiisii intii ugu badnayd Diinta galiyay isla markaana kamid ah, culimada waaweyn ee casrigan soo gaadhay, kaasi oo ay ka aflaxeen culimo badan oo kamid ah Bulshada Soomaalida, kuwaasi oo ku kala sugan deegaanada Soomaalida isla markaana cilmigii xambaaray oo dadka sii bara.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, qaraabada, culimo-awdiinka, aqoonyahanka, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
AAMIIN     AAMIIN   AAMIIN