Hab-maamuusku waa haybadda dowladnimada
Shaqo qaran baa inoo taal dal ahaan oo ina sugeysa Waad aragtaan sidda Madaxweynaheeni JSL Cabdiraxmaan Cirro loo soo dhoweynayo

hababka kala duwan ee ku saabsan intuu ku jirey safarkiisa (State Visit) ka ah ee dalka Isreal.

Dal ahaan iyo xukumadd ahaan waa in aan diyaar garownaa sidii hore aan ahaan jirney xaalku wuu iska bedeley.

Waana halkii khudbadii AHN M xaaji Ibraahim Cigaal ee 1960 May uu lahaa xoriyad waa la ina siinaya 26june1960 ee waxa ina sugaya dagalaakii nafteena sidaan dowladninada u hanan laheyn.

Hadaba Dhowr meelood waa in la diyaariyaa laanta hab-maamuuska dalkeena waxana ka midda.

● Wasaradda Arimaha Dibadda,
● Qasriga Madaxtoyada.
● Xarunta laba Gole Baarlamanka dalka
● Wasaaradda Gashaanshiga iyo difaaca
● Wasaaradda Hidaha iyo dhaqanka JSL.

Intaasiba waa xarumaha ugu mihiimsan ee heybad qarankeena lagu muujin karo markey noqoto dhinaca soo dhoweynta kulamadda wufuudda caalamiga.

Waxa soo raaca (Munaasivaddo loo qabto diblomasiyiinta caalamka ee dalka jooga. Kuna suntan munaasibado kala duwan. Waxa ka mida tusaale ahaan.

Waxaan xasuusta Munaasibadda ey Dowladaha Africa xusaan aan mid kaga qeyb galey Islamabad munaasibadaaso aheyd (#AFRICAN_DAY_24MAY)

Runtii waxa isugu yimi safiiradda Africa dalkaas u joogey. Waa habmaamuska ugu sareeya lahaa PM dalka waxana hogaaminayay safiiradda Africa.

Safiirka (Seniority) leh sanadkaas oo noqonayay ka ugu mudada dheer intu dalkaas joogey. Isaga ku hadley afkii safiiradda Africa.

Waxa kale oo la soo casumey ururadda caalamiga ee waaweyn iyo UN iyo safiiradda ka socdey qaaradaha kale adduunka.

Markaa shaqaa inoo taal. Waana mid aan filayo iney xukumadeeni degdeg u diyaarin karto. Si sal balaadhan oo loo xulo dhalinyaro la siiyo tababaro ku filan.

Dowladdnimaddu ciyaar maaha. Xukumadd ahaan waa in la diyaar garooba. Lana dhisaa laanta habmaamuuska meelaha aan kor ku soo sheegey oo dhan.

Hadii aan wax ka tagey waa ku dari kartaan intiina fahmeysa ee soo aragtey ama aqoonta u leh.

Somaliland Guul
Dal iyo Dad Mideysan
Hon-Envoy Abdirizak Diinaari