Hargeysa:Waraabe Inan Yar qaatey oo dirqi laga riday iyadoo dhaawacyo qabta

Waraabe ayaa caawa inan/ gabadh yar ku dhaawacay degmada Axmed Macallin Haaruun ee Hargeysa.
Waraabaha ayaa qaatay inanta yar oo lagu qiyaasay da’deeda 5 jir, waxana uu la galay meel dhir dhexdeed ah isagoo gaadhsiiyay dhaawacyo madaxa u badan.
Ilmahan yar ayaa hadda lagu daawaynayaa Cisbitaal ku yaalla Hargeysa.
Dadkii goob jooga ahaa ee ka riday Inanta yar Waraabaha ayaa sheegay in ay daba carareen Waraabaha oo sita Ilmaha yar kadibna ay dirqi kaga rideen isagoo dhaawacyo culus u gaysta