
Hay’ada Travel Tour World ee loo soo gaabiyo TTW- ayaa sida fiinta uga qaylisay hawda Somaliland ee laga duway duulimaadyadii dul mari jiray ee adeegsan jiray hawda Somaliland oo hada haawanysaa.
TTW- waxa ay walaac xoogan ka muujisay dhibka soo gaadhay shirkadihii duulmaadyada rayidka ahaa ee dul mari jiray Somaliland kuwaasi oo ay qaarkood hakiyèen ama joojiyeenba duulimaadyadoodii kadib markii uu soo fuulay culays dhaqaale kadib markii ay u leexdeen goobo kale sidoo kale waxa ay sheegeen in arintani ay saamayn ku yeelatay ganacsiga iyo dalxiiska gobolka iyo dunidaba hadaba qoraalkaasi oo dheeraa waxa uu nuxurkiisu uu ahaa sidani.
Muranka dhinaca hawada ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ayaa wax ka beddelaya dhaqdhaqaaqii dhinaca hawada iyo dalxiiska ee gobolka. Khilaafku waxa uu cawaaqib ku yeelanayaa dalxiiska caalamiga ah, socdaalka ganacsiga, iyo socdaalka gobolka dhexdiisa. Duulimaadyadu waxay la kulmeen dhibaatooyin shaqo oo duulimaad ah oo dib u dhigaya iyo baajinta socdaalkii qorshaysnaa ee gobolka. Socdaalka gobolka iyo gudaha ayaa noqday mid aad u adag

Tani waa khariidada hawada Somaliland oo ay maalintii dul mari jireen 90 duulimaad oo hada la qaatay go’aankii Somaliland ee in aan cid aan ogolaansho ka haysanin ayna hawadeeda soo gali karin taasi oo la fuliyay keentayna in caalamku ka qayliyo.






