Hay’adda Caymiska oo la Shirtay Shirkadaha ka Shaqeeya Caymiska

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland Mudane: Maxamed Xuseen Axmed iyo Agaasimaha Guud Mudane: Abdirahman Muse Abdi, oo ay weheliyaan Agaasimayaasha Waaxda Horumarinta Caymiska, Waaxda Shurrucda iyo Liisamada iyo waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha, ayaa kula la qaatay Madaxda Shirkadaha Caymiska.
Kulanka oo ay kaso qayb galeen madaxda shirkadaha caymiska ee Takaful Insurance, Wadaag Insurance, Amaanah Insurance, iyo Ta’miini Insurace.

Ujeeddada kulankan ayaa daaranayd udiyaar garawga hirgalinta caymiska oo dalka dhawaan ka hir gali doona, maadaama oo xeerkii caymiksu soo baxay Dhawaana lana daahfuri doono.

Dhanka kale waxay Iyana kulankan lagaga dooday masiibooyinka dabiiciga ah ee inagu soo badanaya sida gubashada dabka, iyada oo Hay’adda Caymiska Qaranka ayka go’antahay in dhamaan adeegyada aasaasiga ah la hirgaliyo Sida Adeega Caymiska Dabka.

Ugu danbayn waxaa laysala gartay in kor loo qaado wacyiga dadwaynaha lagana wadashaqeeyo wacyi-galin guud oo dalka wada gaadha korna loo qaado shirarka noocan ah inta laga hirgalinayo caymiska dalka.