Hay’adda Sirdoonka oo Qabatay 18 Baabuur oo falal Argagixiso loo qorsheeyay
Hargeysa(Qaran news)- Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa qabatay 18 Gaadhi oo ay sheegeen in loo qorsheeyay falal argagixiso.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal Hay’adda sirdoonku soo saartay oo u qornaa sidan:-
“Hay’adda Sirdoonka oo raacaysa xogo ay heshay ayaa ku guulaysatey in ay gacanta ku dhigto 18 Gaadhi oo ku lug yeeshay fududaynta falal qorshaysanaa oo hayโaddu fashilisay.
Baabuurtan ayaan lahayn taarikada gaadiidka lagu aqoonsado. NIA ayaa ku daba jirta tiro kale oo gaadiidkan ah.”