Hoggaamiyihii Kooxda Wegner oo ku Dhintay diyaarad Dhacday
Russia(Qaran)- Warbaahinta reer galbeedka ayaa baahisay in hoggaamiyihii calooshood u shaqeysteyaasha Ruushku Prigozhin uu ku dhintay burbur diyaaradeed oo ja dhacay gobolka Tver ee waqooyiga Ruushka.
Wasaaradda gurmadka degdega ah ee Ruushka ayaa sheegtay in ay dhacday oo diyaarad shacab oo ay dhinteen dadkii saarnaa oo toban qof ka koobnaa oo 3 ka mid ahi ahaayeen hawlwadeenadii diyaarada.
Waxa la rumaysan yahay in Prigozhin oo is qarin jiray tan iyo afgambigii dhicisoobay ee uu isku dayey bishii June ee Sannadkan uu ku dhintay diyaaradaasi oo warbaahinta reer galbeedku ay sheegayaan inay jiraan warar tibaaxaya in ciidamada cirka ee Ruushku soo rideen diyaaradaas.
Ninkan ayaa xili hore oo toddobaadkan ah ka soo muuqday Afrika.