Iiraan oo cabasho u gudbisay ICAO, maxayse ku sheegeen?
Madaxa Hay’adda Duulista Rayidka ee Iiraan ayaa sheegay inuu cabasho rasmi ah u gudbiyay Ururka Caalamiga ah ee Duulista Rayidka (ICAO), isagoo ka jawaabaya xannibaadaha lagu soo rogay warshadaha duulista ee Iiraan.

Abuzar Shiroudi ayaa wakaaladda wararka IRNA u sheegay in cabashada rasmiga ah lagu caddeeyay “dukumentiyada iyo caddeymaha Iiraan ee ku saabsan carqaladaynta hawlaha duulimaadyada.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in “weerarrada lagu qaado garoomada diyaaradaha, diyaaradaha iyo raadaarrada ay yihiin tusaale cad oo ka mid ah dambiyada dagaalka, marka loo eego sharciga iyo xeerarka caalamiga ah,” isagoo intaas ku daray in Iiraan ay arrintan la xiriirta cabasho kale u gudbisay maxkamadda Hague.

Wuxuu yidhi:

“Marka laga hadlayo weerarrada iyo duqeymaha lagu qaado garoomada diyaaradaha iyo diyaaradaha, ururka caalamiga ah ee ICAO wuxuu Iiraan siiyay xaqa ay arrintan uga cabanayso. Hase yeeshee, kiisaska ayaa hadda horyaalla maxkamadda Hague, mana jirto wax natiijo ah oo weli naloo soo sheegay. Sidoo kale, in Iiraan ay xaq u yeelan doonto magdhow iyo in kale waxay ku xirnaan doontaa go’aanka maxkamadda Hague.”

Tan iyo toddobaadkii hore, markii la dhaqan geliyay cunaqabateyn Mareykanku saaray shirkadaha diyaaradaha ee Iiraan, garoomo diyaaradeed oo ku yaalla dalal kala duwan ayaa joojiyay duulimaadyadii ay sameyn jireen shirkadaha Iiraan.

Ciraaq, Georgia, Imaaraadka Carabta, Jamhuuriyadda Azerbaijan iyo Cumaan, kuwaas oo ahaa meelaha ugu muhiimsan ee ay u safraan Iiraaniyiintu iyo duulimaadyada transit-ka ah ee ku sii jeeda Yurub iyo Mareykanka, ayaa joojiyay duulimaadyadii Iiraan kadib cadaadis uga yimid Mareykanka.

Wakaaladda wararka Fars ayaa sheegtay in shirkadaha diyaaradaha ee Iiraan ay wadahadallo kula jiraan dhinacyo kala duwan sidii loo furi lahaa waddooyin cusub oo duulimaad.