Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf. Qaybtii 12,aad.

Ood-roggadii.

Marka Roobku da’o ee illiiladahu qulqulaan ee dixuhu rogmadaane wabiyaduna butaacaan, waxa biyo baaxad leh ay wadaan bada ayuunbay ku daraan oo Bartaa ayey ku go’aan, Ana qoraalkaan soo waday qaybtan baan ku idlayn oo aan ku Ood-roggayaa, ee Xagee qoraal maraynay? Waxaynu khadka moos dhaabaynay………………….. Qoraalada aan u sheegay inay jiraan Runtii dheeldheelid iyo xaraabaysi in aan uga jeedo ayuu u qaatay!, Taasina Runtii iga reeban!, waxa iyana Jiray Masuuliyiin kale oo…………… Aan xidhiidh la sameeyey oo aan war geliyey Taariikhda aynu leenahay ee Dalka ceegaagta haday tahay degelo Qadiimi ah iyo qoraalo Taariikhi ah oo ku xusan dhaqankeena iyo goobo Jamhuuriyada barakaysan kuyaala.

Hase yeeshee wey ka degi weyday waayo waxa ku qufulan oo ay isku haystaan in ay yihiin Qoomiyad layidhaahdo Soomaali/Soolisi hase yeeshee waxa Hubaal ah in taasi sal iyo raad lahayn!, Waayo Erayga SOO-MAAL waa Hawl qabad ma aha Magac, Soomaal = Soolis, sidoo kale ma jirto wax Erayga Soomaali/Soolisi uu ku xusan yahay ama ku sheegan ama ku Ladhan yahay ama ku lifaaqan yahay oo ah Wax inoo hido iyo Dhaqan ah ha ahaato suugaan iyo Murtiba, Erayga Soomaali/Soolisi ma jiro eray San oo lagu ladho se waxa jira ereyo Catow iyo Ceebbayn ah oo lagu ladho ama la raaciyo, Marka ay noqoto waxa inoo Hidaha iyo dhaqanka ah wakhtigan, waxa jira guriga layidhaahdo Aqal-Soomaali/Aqal-Soolisi, Aqalkaas oo ahaan Jiray WAAB Ood ah (waayo dadka Soomaal/Soolis ka dhabta ahi waxa ay ahaan jireen Barlaawayaal garab-rarato ugaadhsato ah oo socoto ah aan sabo oolin ama degmooyin lahayn oo kolba meesha ugaadhu aado dabo Socon jiray) si kastaba ha ahaatee Waabkii waxa casriyeeyey Hooyo-layda, waayo markii masiibadu inagu Habsatay ee Boqortooyadii inaga duntay sabab ha u ahaato Diinta Masiixiyada Qaldan oo dhulkeena soo gaadhay in ku dhow 1800 oo sanadood ka hor, taas oo muran iyo Khilaaf ka dhex oogtay Boqortooyadeenii, waayo waxa aynu ahayn dad Diin leh oo illaahay aaminsanaa, sikastaba ha ahaatee xilligaas Diinta qaldan qoorigeena timid dad ayaa qaatay ay ku jireen Dad xurmo lahaa oo Hogaamiyaal ama Boqoro ku jireen kuwaas oo aynu ka dheehan karno Xawaalkii ama Xabaalihii lagu aasay wakhtigaa oo leh Laanqayrtii sumada u ahayd masiixiyada oo laga dul qotomiyey ama lagu dul xardhay dhagax xawaalkooda!, Hadaba Waxa aynu nahay Ummad soo jireen ah oo weli degan oo ku nool halkii aynu kaga degnay Doonidii Nabigeenii Nuux CS, waxa aynu weli ku hadalnaa Afkii Nabi Nuux Cs uu ku hadli jiray, waxa aynu leenahay Taariikh qoran in kabadan 10,000 oo sanadood oo ku Qoran Afka aynu ku hadalno, Dhaqanka iyo Goobo taariikhi ah oo Facwayn Jaahil baa wax aan jirin sheegee!.

Waxa aynu leenahay Taariikh Duug ah oo Qadiimi ah, Maxaa yeelay waxa aynu nahay Ummad lahaan jirtay Boqortooyo Hortood iyo dabadood Aduunka soomarin, Waxa aynu lahaan Jirnay Boqortooyooyin Guun ah oo Dumuqraadi ah!, waxa laga yaabaa in ay idiin cuntami waayaan weedho Qoraalkayga waayo Boqortooyo iyo Dimuqraadiyad wakhtigan aynu jirno ama joogno waa laba hab maamul oo isku lidi ah!, laakiin waa wax run ah oo aynu ku dhaqmi jirnay tobanaan kun oo sanadood mudo ka badana taxnaa oo jiri jirtay oo QORAN, oo inta lays hor taago indhaha lasaari karo, sidoo kalena Dhaqankeena kusii nagi ama dihin!, sikastaba ha ahaatee Boqortooyadeenii ugu danbaysay waxa la odhan jiray HOOYOLEY, Boqor tooyadeenii Hooyoleyda Dadku may AB ama Aabo Tirsan jirin se wey Habar ama Hooyo Tirsan jireen, oo waa ta weli kusii Dihin Hab Qabiilka Soomaal/Sooliska ee weli Habar ku aroorka ah.

Hadaba waxa aan Go’aansaday in aan Soomaali/Soolisi Illaahay ka magansado oo aan ka toobad keeno intii aan sheegtay, Alle hayga aqbalee, oo Maanta laga billaabo aan Dib ugu laabto Taariikhdii aynu lahayn iyo Hab dhaqankeenii samaa ee aynu ka irdhowday, sidaa Aawadeed waxa aan go’aansaday in Maanta laga billaabo oo taariikhdu tahay 25-07-2023 aan ahay Nin HOOYOLEY ah, Magacayguna waa Fu’aad/Qadar in kastoo labadaba Magac laygu Kooyo ama yeedho se QADAR ayaa aan doorbiday siyaabo aniga iigaar ah awgeed, Markaa Magacaygu Wuxuu Ahaan doonaa haduu Alle yeelo, QADAR/KHADAR NIMCO QADIIJO waxa aan ahay Nin HOOYOLEY ah, waxa aan Illaahay weydiisanayaa oo aan ka tuugayaa oo Baryo ku weydiisanayaa OO aan leeyahay INTII AAN SHEEGTAY SOOMAALI ALLAHAYOW IIGA DANBI DHAAF Aamiin yaa rabi Aamiin.

Xaq aan la Gudi karin

Hooyoy adigaa leh.

Qadar/Khadar Nimco Qadiijo (Fartaag)

25-07-2023

Fartaagmuwaadin@gmail.com