Waxa luntay kala danbayntii haybadii ciyaaruhu lahayee 32kaa sano mahayno waxa xeer ah oo ciyaaraha lagu hago oo ay ansixiyeen golaheena xeer dajintu Somaliland.
Maalinkasta waxa aynu garoonadeena ku arkaynaa dhacdooyin inaga yaabiya oo aan lagu cibro qaadan maanta waxa inoo muuqata garsoorahaa haybadisii iyo karaamadisii garoonka lagu dhex badalay.
Halkan waxa inooga muuqata in Doorkii wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xidhidhkii kubada cagtu meesha ka baxay.
Xisbi ahaan waxa aan leenahay oo aan cod dheer ku soo jeedinaynaa in la sameeyo
Gudidii Olympickada heer qaran si loo helo xeer kubada cagta iyo ciyaaraha kala duwan lagu hago.
Xoghaye dhalinyarada Iyo Ciyaaraha ee Xisbiga Cadaalada Iyo daryeelka ee UCID
Faarax Axmed Yuusuf
May be an image of 1 person