Itoobiya oo la ugaadhsanayo Waraabaha+Sababta

Waraabaha

Maamulka duur-joogta Itoobiya, ayaa isku duba ridinaya koox ugaarsato ah, oo baadi goobaya Waraabe dilaa ah, meel u dhow magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Arrintaan, ayaa timid kadib markii dhawaan magaalada iyo agagaarkeeda, ay kusoo bateen weerarada waraabaha, ee ay u geysanayaan bini’aadanka.

Sideed qof ayaa ku dilay Waraabaha magaalada Addis Ababa labadii sano ee u dambeeyay, sida uu BBC-da u sheegay Banki Budamo, oo ah khabiir ka tirsan hay’adda ilaalinta duurjoogta Itoobiya ee (EWCA).

Dadka uu dilay Waraabaha, ayaa waxaa ku jira “carruur, odayaal iyo [dhalinyaro],” ayuu intaa raaciyey khabiirka.

Khubarada ayaa ka digay in tani ay keentay balaarinta deegaanaha guryahay, iyo jarista dhirta ay keentay inay soo kordhaan weerarada.

Horaantii bishaan, Waraabe ayaa wiil dhalinyaro ah ku dilay dhismo casri ah, oo ku yaalla magaalada Leege Taafo, oo 17km (11 mayl) u jirta caasimada.

Dadka deegaanka ayaa maqlay ninkan oo oynaya, waxaana u suurta gashay inay ka eryan Waraabaha, balse uma suuragelin inay badbaadiyaan naftiisa.

“Waxaa jira waraabayaal badan. Waxaad arkaysaa iyaga wixii ka danbeeya xiliga uu gabalku sii dhacayo,” mid ka mid ah waa dhadig, oo waxey dhashay Waraabayaal yar yar, , ayuu yiri Banki.

Dhacdadii ugu dambeysay, ayaa keentay in lagu qaato go’aan ah in la dabar gooyo waraabaha.

“Waraabaha ayaa dagay goobo kala duwan oo bannana,” mid ka mid ah ilaalada Lege Tafo ayaa sidaasi yiri, isagoo intaas ku daray inay jiraan “kuwa kaloo” badan.

Maamulka ayaa markaas ka jawaabay dhiilada jirta, ayaa abaabulay koox gaar ah oo ugaarsata, iyagoo rajeynaya inay waraabaha ku qasbaan u hayaamaan kaymaha u dhow magaalada.

“Waxaan dilnay todoba dhurwaa [maalmihii lasoo dhaafay],” ayuu yiri Banki.

Arrintu waxay u muuqataa mid faraha kasii baxaysa, marka ad eegto dhanka Addis Ababa.

Dadkii badbaaday ayaa ka sheekeynaya waxa ku dhacay.

Bishii Ogosto, wiil dhalinyaro ah, ayaa laga jaraylabadiisa lugood, kadib markii u uku weeraray Waraabe xaafadda Burayu.

“Waxaan ka imid buurta gurigayga. Waxa aan arkay xayawaan [waraabe] ah oo I ag maraya. Waxaan arkay mid kaliya. Markaa ma garanayo ,markaa kadib wixii igu dhacay. Maalintii xigtay ayuun baan toosay/soo naaxay” ayuu Berhanu Dhaba u sheegay BBC-da.

Qaar badan oo ka mid ah Waraabayaashan, ayaa ku nool buuraha ku hareeraysan magaalada Addis Ababa, oo ay ku jiraan kaynta Entoto.

Waayadii hore waraabaha, ayaa la aamin sanaa inuu cuno qashinka ay tuuraan dadka, iyo sidoo kale in la xakameyn karo, oo aanu halis ku ahayn bani’aadamka.