Boqolaal ka mid ah dhalinyaradii jabhada Gacanlibaax ayaa ku soo qul qulaaya magaalooyinka Hargeysa iyo Burco kuwaasi oo ka faa’iidaystay cafiskii ay xukuumadda Somaliland u fidisay dhawaan

Sidoo kale ay ku qanceen taladii iyo waanadii ay siiyeen gudiga beelaha Garxajis iyo wax garadka beeshaasi ee ku sygan deegaanka Go’da.

Sidoo kale gudoomiyihii jabhadaasi ayaa gabi ahaanba iskaga tagay goobtaasi iyada ay jabhadaasi qar qarka hada u saarantahay in ay kala dareeraan ayaa waxa jira in ay intaas yari ee soo hadhay ay samaystaan Gudoomiye wada hadalada soo gabo gabeeya si halkaasi si buuxda looga soo dhamaado.

Xubnaha ilaa hada buurta Gacanlibaax ku sugan ayaa shaaciyay in ay Gudoomiye u doiran doonaan afhayeenkii Jabhadaasi Axmed Cali Haybe

Dhanka kalena gudiga beelaha Garxajis ayaa sheegay in ay arinka ay u tageen uu hada meel fiican maraayo.

Dadweynaha beelaha Garxajis ee dagan shan gobol oo kamid ah gobollada Somaliland ayaa soo dhaweeyay kala dirista jabhadaasi iyaga oo raacaaya heshiiskii dhawaan la gaadhay, waxana ay dadweyne badani joojiyeen taageeradii ay siin jireen jabhaddaasi iyada oo la qaatay heshiiskii la isku afgartay.