
Senator Ted Cruz oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Maraykanka, ayaa ka jawaabay naqdiga jar iska xoornimada ah ee ka soo yeedhay dawladda Shiinaha, ee oo ay kaga xumaadeen qoraalkii Xildhibaanku 14kii Bishan uu u diray Madaxweyne Donald Trump oo uu ka dalbaday inuu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal istaraatiji ah oo masaalix badan ay wada qabsan karaan Maraykanka.
Xildhibaan oo ka falceliyay dhawaaqyada qadafka ah ee ka soo yeedhay dawladda Beijing ayaa sheegay in maadaama ay Shiinuhu si adag uga cadhoodeen soo jeedintiisii ay tahay sabab kale oo madaxweyne Donald Trump ku dhiirigelinaysa inuu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.
“Dhab ahaan haddii Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinuhu sidaas u xanaaqay waa sabab kale oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku dhiirigelinaysa inuu ictiraafo Somaliland,” ayuu ku yidhi Senator Ted Cruz oo farriin kooban oo uu ku baahiyay X (Twitter) ugu jawaabay eedaha ka soo yeedhay Shiinaha.
Warqadii Ted Cruz ayaa salbabakh siyaasaddeed ku riday dawladda Muqdisho iyo dalka Shiinaha oo ay muddooyinkii u dambeeyay ku rafiiqeen dagaalka ka dhanka ah Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal xasiloon oo ay ka jirto dawladnimo taabogal ah oo ku timid rabitaanka shacbigeeda.





