Warbixinno caalami ah oo ay daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta adduunka oo ay ka mid yihiin Ethiopian Daily News, Feta Daily World iyo AfriNews 24, ayaa lagu sheegay in dhawaan la filayo in si rasmi ah loo bilaabo mashruuc ballaadhan oo lagu dhisayo khad tareen casri ah oo koronto ku shaqeeya, kaas oo isku xidhi doona Itoobiya iyo Dekedda Berbera ee Somaliland. Sida lagu sheegay warbixinnadaas, kharashka mashruucan ayaa lagu qiyaasay inuu gaadhayo 3.47 bilyan oo doollar, waxaana lagu tilmaamay inuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo isku xidhka gaadiidka, ganacsiga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Geeska Afrika.

Warbixinahan caalamiga ah oo Wargeyska Dawan soo xigtay waxa kale oo lagu sheegay in mashruucan ballaadhan ay maalgelinayaan dawladdaha Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Itoobiya, kaas oo ujeedadiisu tahay in la xoojiyo isku xidhka iyo horumarinta ganacsiga, hagaajinta isu socodka gaadiidka iyo saadka ee gobolka, isla markaana Itoobiya loo fududeeyo marin degdeg ah oo ay ku gaadho Dekedda Berbera. Warbixinta AfriNews 24 ayaa lagu sheegay, “Dawladda UAE ayaa bixinaya maalgelin iyo khibrad farsamo oo lagu hirgelinayo mashaariicdan waaweyn, maadaama uu yahay mid ka mid ah maalgashadayaasha ugu waaweyn ee Geeska Afrika.|

Sida lagu sheegay warbixinta, ballaadhinta wajiga labaad ee Dekedda, xoojinta isku xidhka aagga Dhaqaalaha Berbera iyo Waddada Berbera Corridor ayaa lagu tilmaamay inay ka tarjumayaan kalsoonida lagu qabo dekedda iyo himilada ah in laga dhigo xarunta ganacsiga iyo saadka (logistics) oo heer caalami ah. Sidoo kale waxa lagu xusay in marka mashruucani dhammaado la filayo in Berbera ay yeelato kaabayaal casri ah iyo awood ay ku noqoto xarun isku xidha adeegyada dekedaha, warshadaha iyo gaadiidka, taas oo si gaar ah u fududayn doonta ganacsiga iyo isu socodka badeecadaha u dhexeeya Itoobiya iyo suuqyada caalamka.

Warbixinta AfriNews 24, waxa kale oo lagu sheegay “Dekedda Berbera ayaa sannadihii u dambeeyay noqotay mid ka mid ah mashaariicda ugu muhiimsan ee horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Geeska Afrika. Iyada oo hadda la qorsheynayo in la ballaadhiyo wajiga labaad ee dekedda, lana xoojiyo isku xidhka Aagga Dhaqaalaha ee Berbera, Waddada Berbera (Berbera Corridor) iyo khad tareen oo gaadhi doona gudaha Itoobiya.”

Warbixintu waxay sidoo kale arrintan ku tilmaamay dhacdo taariikhi ah oo ay ku faani doonaan shacabka Somaliland. Waxa kale oo lagu xusay warbixinta in horumarinta dekedda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee la xidhiidhaa ay kor u qaadayaan ganacsiga gobolka, soo jiidashada maalgashi cusub, isla markaana ay si weyn u xoojinayaan doorka Berbera ee isu socodka ganacsiga Geeska Afrika. Warbixinta ayaa intaas raacisay “Dowladda Itoobiya waxay sii xoojinaysaa iskaashigeeda istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Somaliland iyo Imaaraadka Carabta (UAE), si loo horumariyo kaabeyaasha ganacsiga Geeska Afrika.”

Dhinaca kale, warbixin ay daabacday Ethiopian Daily News ayaa lagu sheegay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha khad tareen koronto ku shaqeeya oo casri ah, kaas oo isku xidhaya Itoobiya iyo Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland. Sida warbixintu sheegtay, mashruucan ayaa lagu qiyaasay inuu ku kacayo 3.47 bilyan oo doollar, iyadoo la sheegay in kharashkiisa ay wada maalgelin doonaan Itoobiya iyo dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in khadka tareenka cusub uu qayb ka noqon doono dadaallada lagu horumarinayo isku xidhka gaadiidka iyo ganacsiga gobolka, isla markaana uu Itoobiya u fududayn doono marin dheeraad ah oo ay ku gaadho Dekedda Berbera. Intaa waxaa dheer, waxaa lagu xusay in mashruucan la filayo inuu kor u qaado ganacsiga, gaadiidka iyo isku xidhnaanta dhaqaale ee Geeska Afrika. Warbixinta, ayaa lagu soo gabagabeeyay hal-ku-dhig Afka-Amxaariga ah “የኢትዮጵያ የድል ዘመን ከፊታችን ነው!!”, oo macnihiisu yahay: “Xilligii guusha Itoobiya ayaa soo dhow.”

Sidoo kale, warbixinta lagu daabacay warbaahinta Feta daily world ayaa lagu sheegay “Dhismaha tareen koronto oo xawaare sare leh oo casri ah oo isku xicha Itoobiya iyo dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhawaan bilaaban doona. Wadarta kharashka dhismaha ayaa ah maalgelin dhan $3.47 bilyan oo dollar, kharashkana waxaa dabooli doona Itoobiya iyo Imaaraadka.”