Hargeisa,(Qaran news)- Waxa dibada u soo shaac baxay khilaaf mudo dheer huursanaa oo u dhaxeeyay madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa mr Cabdiraxmaan Saylici.

Khilaafkani waxa ay sheegayaan dad ku dhow dhow Saylici in uu ka soo bilaabmay hanka Saylaci ee ahaa in uu musharax madaxweyne uu ka noqdo xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi dabadii.

Markii uu khilaafkii arinkaasi salka ku hayay uu xadhkaha goostay ee madaxweyne Muuse Biixina uu qaatay in uu mustaqbalka soo dhiso oo uu ku badlo Saylaci mid ka mid ah golahiisa wasiirada Mr Saajin ayaa sabtay in aan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu uu sii xoigaysto khilaafkoodu, waxana uu Muuse Biixi uu bilaabay in uu xukumadiisa ka sifeeyo xubnaha xilalka culus ka haya xukumadiisa tiraba ilaa hada waxa uu tuuray laba xubnood oo mihiim ah, taasi oo iyana sii shiday buuqii taagnaa.

Hadaba khilaafkani xadhkaha goostay waxa isna daboolka ka qaaday Cawaale Shirwac oo ay Saylaci isku deegaan ka soo jeedaan horena u ahaan jiray wasiir ka tirsan xukuumadda Muuse oo xilka laga qaaday.

Waxana uu yidhi Cawaale Shirwac way soo dhaaftay wax la qarin karo khilaafka u dhaxeeya Saylaci iyo Muuse, waxana uu sheegay in Saylaci uu deegaanada uu ka soo jeedo u sheegay in uu xisbiga Kulmiye uu dayacay taasi oo dhirbaaxo ku ah Muuse Biixi.

Hadaba arinkani oo si kasta la isugu dayo in la xaliyo waa mid lagu guul daraysan doono iyada oo arinkani foosha xun ee lagula kacay Saylaci ay aad uga dharagsan yihiin tageerayaasha Saylaci ee ku sugan Awdal iyo Salal isaga u sheegay in aan Kulmiye waxba u oolin oo xisbigaasi dayacay iyaga.