Khudbadda Ciro. Maanta Waxaan u arkaa. Mid umadena Badbaadin karta. Madaxweynaha dabar lagu xidho u noqon karta. Dhiigana joojin karta.

Dalka lagu egimayo Madaxweyne ku fashilmey hogaamintii qaran. Nin walba oo wax u sheegi lahaa iska fogeeyey,

Waar markii ugu horeysey ee dalkeenu laga wayay.
Rag madaxweynaha ku gudda iyo ragu u yeedho. Waayo markey adkaato. Somalidda waxeynu dheereyn. Waayeel guureynaya. Iyo Madaxweyne dhageysanaya. Saqdda dhexa xaaladda dalka laga talin jirey.

Taladiisu waxey noqotey ciidanka amniga sugaya.
Awood ciidan baa lagu xalinaya. Waa laga adkaanaya. QARANKA QARANKA. Asbuuc markuu dagaalku socdey ayuu arkey in aanu siduu moodayay aheyn.

Sidaas daradeed umaddana lagu sii deyn maayo. Askari aan caqli iyo talo midna heyn.

Muusow xabadi xal maaha. Madaxddii dalka soo martey daruufo ka adag kuwaad martey bey kala kulmeen goboladda bariga.

Qaarkood waxey kugula taliyeen.

Gobolka Sool iyo Sanaag bari. Gacan ciiddan ka ilaali. Halka Askari Somaliland ah iyo Qof muwaadina oo gadoodsan ku dhimanayaan. 1million dollars ku bixi.

Umadda isku hey. Quwadda ciidan aad aaminsan tahey. Ha u isticmaalin shacabkooda. Waxaad ugu jawaabtey, Ma baad-baan bixiya.

Hantida qaranka iyo dowladdnimadda sidda loo maamulo umaad dhalan. Waxaan xasuusta kelmadd uu kugu yidhi sidaan faq ku maley, oo ka midda ragga aadka kugu dhow.

Nin kugu yidhi waar dowladdnimadda dhaqaalaheeda iyadda lagu maamula khasnadda dowladda ma (Xarshin Baad kala Timi).

Nuxurka aan soo koobe. Dagaalka Laascaanood Taladiisa Somaliland u daa. Dib u fadhiiso. Waxii lagu xalinayana rag baa u jooga. Jooji xabadda ciidankana ka soo durki meelaha lagu weerarayo.

Qaranka iyo dowladdnimadda waxa lagu ilaalin karaa. Adoo taladda miiska dhiga. Ragga kaa aragtida duwan u yeedha. Mucarad iyo waxgaradka aad albaabka ka xidhatey dhehaha u fura.

Inta kula joogta haddey caqli hayaan, dagaalku muu sii socdeen. Quwad ciidana wax kumaad xalin. Siyaasadda iyo afkaar iyo aragti wanaagsana wax kumaad xalin. Fashil baad tihiin adiga iyo kuwa kula jooga.

Markaa kuwaas waxba ha weydiine, dadka ehlu caqliga ee ganacsato leh, dhaqan leh, culimo leh, wax garad leh, dhageyso.

Ninka runta ku sheega waxaad u taqaan waa Mucarad. Ama asxaabta Mucaradku ku xidhan yahey.

Caqliga bedel. Waxaad ku bedeshaa. Dalkan iyo dakani in aaney burburin. Hanbadiisa la dabaqabto. Sidii la isugu heyn lahaa talaadeedd dadka u daa.

Hadba afar guulwadde oo aan runta ku sheegi karin. Madaxtoyadda qado aad ugu sameysa nabadda Laascaanood ma keeni karaan.

Hadaad diido. Nuclear, walaahi hadaad laascaanood ku garaacddo. In aanad awood ciidan waxba kaga keeneyn.

Waa bilaahi Towfiiq

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari