Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday toogasho ka dhacay Seattle,
Maraykanka
Laba qof ayaa ku dhintay ugu yaraan shan kalena way ku dhaawacmeen rasaastii ka dhacday Xarunta Seattle, Washintong, sida laga soo xigtay Waaxda Dab-damiska Seattle.
Labada qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen goobta, halka dadka dhaawacmay lasoo sheegayo inuu ka mid ahaa wiil laba jir ah oo loo qaaday isbitaalka, inkasta oo xaaladdiisu deggan tahay, iyo haweeney 56 jir ah oo uu soo gaaray dhaawac halis ah.
Mid kamid ah dadkii dhaawaca soo gaaray ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud.
Waaxda dab-damisku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca dhaawacyada.





