M/weynaha Maraykanka Joe Biden oo ku kufay munaasabad 

Dalak Maraykanka

Madaxweyne Joe Biden waa “wanaagsan yahay” ka dib markii uu ku kufay Munaasabad ka dhacday Colorado,sdiaasi waxaa sheegay saraakiisha Aqalka Cad .

Waxa uu ku turunturooday jawaan ciid ah isaga oo shahaado ka qaybinayay xaflad qalin jabin ah oo loo qabtay Akademiyada Ciidanka Cirka ee Maraykanka.

Mr Biden oo ah madaxweynihii ugu da’da weynaa ee dalka soo mara oo ah 80 jir ayaa laga la istaajiyay si cagahiisa ugu istaago, waxaana uu u muuqday mid aan dhaawac soo gaarin kadib markii dhacay khamiisti.

“Waxaan lugta ku dhuftay jawaan ciida” Madaxweynaha ayaa saxafiyiinta kula kaftamay mar uu dib ugu soo laabtay aqalka cad fiidnimadii.

Waxa uu taagnaa ilaa saacad iyo bar si uu u gacan qaado mid kasta oo ka mid ah 921 arday ee qalin jabinayey.

Muuqaal la duubay ayaa muujinaya Mr Biden oo u muuqda mid farta ku fiiqay mid ka mid ah laba jawaan oo carro ah oo loo adeegsaday in lagu dhejiyo ama lagu celiyo qalabka qoraalka laga aqriyo (teleprompter) iyada oo ay caawinayaan sarkaal ka tirsan Ciidanka Cirka iyo laba xubnood oo ka tirsan ciidamadiisa sirdoonka .