Maayar ku Xigeenka Caasimadda Hargaysa Khadar Axmed Cumar (Khadar Nour) oo kaashanaya Waaxda nabadgalyada Dawladda Hoose ee Hargaysa ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Gudiga wanaag farista iyo xumaan reebista ee heer qaran iyo heer Degmo, qaar ka mid ah masuuliyiinta gudiyada nabadgalyada.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa adkaynta nabadgalyada Caasimadda Hargaysa iyo sidii looga hortagi lahaa dhammaan dhaqamada aan wanaagsanayn ee lagu arko gudaha Caasimadda Hargaysa.