Maayar-ku-xigeenka Degmada Xudun oo Gaadhiga Halkan ka muuqda kala baxsaday Somaliland

Maayar ku Xigeenkii Degmada Xudun ee gobolka Sool Cabdinaasir Cabdiqaadir, ayaa ku biiray xoogaga SSC isaga oo ka goostay Somaliland.

Maayar ku xigeenka ayaa sida la sheegay waxa uu la goostay baabuur qabaala oo ay xukuumada Somaliland dhawaan siisay, muuqaal uu iska soo duubay isaga oo ay baabuurka la saaranyihiin rag kale oo hubaysan, ayuu ku sheegay in xoogaga SSC ay qabteen.

“Nimankii reer Cabdalle ahaa cir iyo dhul meel ay iiga yimaadeen garan maaye, aniga oo Guumays iyo Yagoori dhexdooda maraya ayay ila haadeen, meel ay iiga yimaadeen ma garanayo” ayuu yidhi Cabdiqaadir isaga oo qoslaya.

Cabdiqaadir oo dhawaanahan goobo kala duwan warbaahinta Somaliland ugu waramay, ayaa sheegi jiray in uu aad uga soo horjeedo SSC, isla markaana uu taageersanyahay xukuumada Somaliland iyo ciidamada millateriga.

Waxa uu kasoo muuqday jiida hore ee ciidamada Somaliland kaga sugan yihiin gobolka Sool, isaga oo xidhan labiska ciidanka, waxa uuna sheegay in uu qayb ka yahay dagaalka lagaga soo horjeedo xoogaga ka dagaalamaya magaalada Laascaanood.

Hadaba, Cabdiqaadir ayaa shalay qayb ka ahaa madax raashin kaalmo ah oo ay bixisay xukuumada Somaliland u qaybinaysay qaybo kamid ah shacabkii kasoo barakacay magaalada Laascaanood oo ku sugan deegaanka Guumays.

May be an image of 1 person and jeep

May be an image of 4 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 10 people