

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa gaaray caasimadda Turkiga ee Ankara si uu uga qayb galo shir-madaxeedka NATO ee sannadkan 2026.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Trump magaalada Ankara, iyadoo uu si rasmi ah u billowday shir-madaxeedka NATO oo soconaya laba maalmood.
Kadib soo dhaweynta, waxaa Madaxweynaha Trump loogu qaban doonaa munaasabad rasmi ah oo ka dhacaysa qasriga madaxtooyada. Intaas kaddib, labada hoggaamiye waxay yeelan doonaan kulan laba geesood ah iyo wada-hadallo ay ka qaybgalayaan wafdiyada labada dal, kuwaas oo looga hadli doono arrimo gobolka iyo caalamkaba khuseeya.
Shir-madaxeedka NATO ee 2026 ayaa si rasmi ah uga furmay Ankara, waxaana ka qaybgalaya hoggaamiyeyaasha 32-ka dal ee xubnaha ka ah NATO iyo wakiillo ka socda dalal iskaashi la leh isbahaysiga, kuwaas oo laba maalmood wada yeelanaya wada-hadallo heer sare ah.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Turkiga ee Anadolu, ajandaha ugu muhiimsan ee shirka waxaa ka mid ah:
kordhinta kharashaadka difaaca,
taageerada muddada dheer ee Ukraine,
iyo xoojinta warshadaha difaaca ee NATO.
Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, iyo mas’uuliyiin kale ayaa sheegay in dalalka Yurub ay doonayaan inay shirka ku muujiyaan inay ka dhabeynayaan ballanqaadyadoodii ku saabsanaa kordhinta kharashaadka difaaca. Waxa kale oo la filayaa in inta uu shirku socdo lagu dhawaaqo heshiisyo waaweyn oo dhinaca difaaca ah.
Bbc somali





