





Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ku guda jira booqashadiisii rasmiga ahayd ee dalka Israa’iil, ayaa maanta kulan taariikhi ah oo heer sare ah la yeeshay Raysal Wasaaraha Dawladda Israa’iil, Mudane Benjamin Netanyahu, kulan kaas oo astaan u noqday bilowga wejigii ugu muhiimsanaa ee xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israa’iil.
Madaxweynuhu waxa uu Raysal Wasaaraha Israa’iil uga mahadnaqay go’aanka geesinimada leh, taariikhiga ah, isla markaana leh miisaanka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee ay Dawladda Israa’iil si rasmi ah ugu aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland dal madax-bannaan oo xor ah 26.12.2025. Arrintan oo noqotay dhacdo taariikhi ah oo bog cusub u furtay halgankii muddada dheeraa ee ay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ugu jireen xaqiijinta aqoonsi caalamiga ah.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in go’aankan taariikhiga ahi aanu ahayn oo keliya aqoonsi diblomaasiyadeed, balse uu yahay xaqiijin rasmi ah oo dunida u muujinaysa xaqiiqada siyaasadeed, sharciyeed iyo taariikheed ee Somaliland, taas oo muddo soddon iyo shan sano ah dunida horteeda ku soo bandhigaysay tusaale guulaystay oo ku dhisan nabad, dimuqraadiyad, dawladnimo, xasillooni iyo kala dambayn.
Dhinaca kale, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil ayaa si rasmi ah u kala saxeexday Baaqa Istaraatiijiyadeed ee Iskaashiga labada Dal. Heshiiskan taariikhiga ahi waxa uu dhigayaa aasaaska xidhiidh istaraatiiji ah oo waara, isla markaana xoojinaya iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga, tiknoolajiyadda, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.
Baaqani waxa uu astaan u yahay bilowga marxalad cusub oo xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil ah, isaga oo dejinaya hannaan rasmi ah oo lagu horumarinayo iskaashi qoto dheer oo ku dhisan is-ixtiraam, kalsooni, dan-wadaag iyo himilooyin wadajir ah.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa Raysal Wasaaraha Dawladda Isreal Mudane Benjamin Netanyahu guddoonsiiyey Billad Sharaf Qaran oo uu ku mutaystay aqoonsiga buuxa ee ay Dawladdiisu siiyey Jamhuuriyadda Somaliland.





