Madaxweyne Cagjar oo Somaliland uga Mahad-celiyay Gurmadkoodii Dabka
Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Md. Mustafe Muxummed Cumar ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad-naqay taageeradii walaalnimo ee ay u muujiyeen walaalahooda Deegaanka Soomaalida ee ganacsigoodii dabku baa’biiyay.
Masuuliyiin iyo gurmad uu hoggaaminayo Maayirka Magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa xalay saqdii dhexe gaadhay suuqa gubtay ee magaalada oo ay ka qayb qaateen daminta halka maantana ay soo gaadheen magaalada Wasiirro ka socda JSL oo iu hoggaaminayey Wasiirka Warfaafinra, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore.
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mystafe Cagjar oo uu gaadhsiiyay murugada ay Xukuumadda iyo shacbiga Somaliland la qaybsanayaan murugada dhibaatada dabkaasi dhaliyay oo baa’biiyay 932 meheradood oo ay lahaayeen dad Soomaali ahi.