Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maalinta beri ee Salaasada socdaal shaqo ku tagi doona dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.
Warku wuxuu intaas ku daray in socdaalka madaxweynuhu ka dhashay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dawladda Federaalka Itoobiya.
Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ku tagayo Itoobiya, ayaa noqonaysa socdaalkii u horreeyay ee uu ku tago dalkaas tan iyo markii la doortay 13kii November 2024kii.
Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa ah laba dal oo saaxiib ah oo leh xidhiidh iskaashi ku wajahan arrimaha siyaasadda, amniga iyo ganacsiga oo soojireen ah.






