Hargeisa,(Qaran news)-Madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa ka war bixiyay kulan balaadhan oo uu maanta ay la yeesheen wasiirka arimaha dibada ee dalka Israel
Madaxweyne Cirro oo qoraal kooban soo dhigay barta uu kuleeyahay X waxa uu sharaxaad ka bixiyay wixii ay labada dhan ka wada hadleen qoraalkiisa oo ku qornaa farta Ingriisiga waxa uu u dhignaa oo uu yidhi sida hoos ku xusan.
Waxaa sharaf ii ah inaan la kulmo Wasiirka Arrimaha Dibadda @gidonsaar inta lagu guda jiro booqashada rasmiga ah ee aan ku tagay Dawladda Israa’iil.
Waxaanu ka wada hadalnay balaadhinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil ee dhinacyada amniga, maalgashiga, tignoolajiyada, kaabayaasha dhaqaalaha, hal-abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaan si wada jir ah u xaqiijinay sida ay nooga go’an tahay horumarinta iskaashiga u adeegaya danaha dadkeena, kana qayb qaata nabadda, xasiloonida iyo barwaaqada.
Waxaan aad ugu mahad naqayaa wasiir Sa’ar soo dhawayntii diiranayd iyo soo dhawayntii uu ii sameeyay.