Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo u safray Ceerigaabo









Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta u safray magaalada Ceerigaabo, si uu uga qayb galo Shirka Qaran ee Nabadda, kaas oo lagu xoojinayo wadajirka, isu-soo dhawaanshaha, iyo nabadda bulshada walaalaha ah ee ku wa
da nool magaalada Ceerigaabo iyo Gobolka Sanaag.
Sidoo kale waxa madaxweynaha safarkiisa ku wehelinaayay Ugaaska guud ee beelaha Samaroon.






