Madaxweyne & Qoyskiisa oo ku jira ka ganacsiga daroogada oo la ogaadey

Daroogada Captagon
Daroogada Captagon

Xiriir cusub oo toos ah oo ka dhaxeeya ganacsiga darooga Captagon iyo xubin hormuud ka ah ciidanka milateriga ee Suuriya iyo qoyska madaxweyne Bashar Al Asad ayaa lagu ogaaday Baaritaan ay wadajir u sameeyeen laanta afka Carabiga BBC iyo shabakadda saxaafadda wax baarta ee OCCRP.

Captagon waa daroogo la qabatimo oo la mid ah Amphetamine oo laga helo qaadka, waxayna sannadihii u dambeeyey ku soo badanaysay bariga dhexe.

Sannadkii la soo dhaafay ayey BBC filim ka duubtay askarta Urdun iyo kuwa Lubnaan sida ay uga hawlgalaan joojinta Captagon oo laga soo geliyo xuduudahooda, taasoo ka timaada Suuriya.

Hadda daroogada waxaa laga helaa Yurub, Afrika iyo Aasiya.

Bishii Maarso ayaa Britain, Maraykanka iyo Midowga Yurub waxay xayiraad ku soo rogeen liis ay dad ku qornaayeen oo ay ku jiraan laba qof oo ilma adeer la ah madaxweyne Asad, kuwaasoo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin ka ganacsiga Captagon.

Laakin baaritaan qoto dheer oo BBC ay ku samaysay gudaha shabakada ka ganacsada daroogada ayaa lagu helay caddaymo muujinaya ku lug lahaanshaha ay saraakiil kale oo Suuriyaan ah ku lug leeyihiin .

Xukuumadda Suuriya kama aysan jawaabin codsi ay BBC ku doonaysay inay jawaabo kaga hesho, laakinse hore ayey u beenisay inay ku lug leedahay ka ganacsiga darooga.

Bishii Luulyo 2022 ayaa magaalada Suweida ee waqooyiga Suuriya oo xarun u ah Raji Falhout, hogaamiyaha miliishiyada u janjeerta dhinaca rajiimka, waxaa cagta mariyey koox ay is hayaan.

Falhout iyo Abu Hamza
Falhout iyo Abu Hamza

Waxay ka heleen kiishash ay ku jiraan wax u muuqdayo kaniiniga Captagon oo loo diyaariyey in suuqa la galiyo, mishiin u muuqda in lo adeegsado inuu isku cadaadiyo kiniiniga. Sidoo kale waxay ka heleen kaarka aqoonsiga milateriga ee Falhout iyo telefoonka gacanta.

BBC oo ay u suurto gashay inay gudaha telefoonka gasho ayaa ku aragtay tiro farriin-qoraaleedyo ah oo dhex maray Falhout iyo qof magaciisa lagu sheegay “Abu Hamza”, waxayna ka wadahadleen iibka mishiinka isku riixa kiniiniga.

Wadahadallada waxaa ka mid ahaa in mishiinka Lubnaan laga keeno oo Suuriya la geeyo.

Ayadoo telefoon lambarka isticmaalaysa ayey BBC ogaatay haybta Abuu Xamsa oo ah Xuseen Riad Al-Faytrouni. BBC waxay suxufiyiinta maxalliga u sheegeen inuu xiriir la leyahay Xisbullah – Xisbiga siyaasadeed ee Lubnaan iyo kooxda mintidiinta ah ee aadka ugu dhow xukuumadda Suuriya.

Dagaallameyaasha Xisbullah waxay qayb weyn ka qaateen inay xukuumadda Suuriya ka caawiyaan dagaalka gudaha dalkaas ka socda, waxaana la sheegayaa inay Suuriya oo dhan joogaan. Muddo dheer waxaa lagu eedeynayey inay ku lug leeyihiin kala gudbinta daroogada, laakin mar kasta way diidi jireen.

Isagoo musaafuris ahaan dibadda ugu maqan ayaa suxufi Suuriyaan ah oo ka soo jeeda Suweida wuxuu yiri “Xisbullah way ku lug leedahay, laakinse waxay aad uga taxadaraan in xubnahooda aysan kaalin ku yeelan kala gudbinta iyo ganacsiga daroogada”.

Xisbullah kama jawaabin codsi ay BBC ku doonaysay in ay ku hesho jawaab ku saabsan Mr Faytrouni.

Ka dib bilo uu socday diyaar garow xagga amniga ah ayaa BBC waxaa u suurto gashay inay dhex galaan ciidanka milateriga Suuriya ee jooga Xalab. Askari magaciisa qariyey ayaa BBC u sheegay in askarta saaxiibadiis ah ay qaataan bishiiba 150,000 Gini oo lacagta Suuriya ah oo u dhiganta $60.

Koox BBC ka tirsan oo booqatay xero ciidan oo ku taalla Xalab
Koox BBC ka tirsan oo booqatay xero ciidan oo ku taalla Xalab

Wuxuu sheegay in tiro badan oo ka mid ah ay noqdeen kuwo ka shaqaysta daroogada si ay ugu kabaan dakhligooda. Waxay BBC weydiisay in uu tilmaan ka bixiyo kaalinta askarta uu ka tirsan yahay ay ku leeyihiin ka ganacsiga gudaha ee Captagon.

“Nalooma ogola in aan aadno warshadda. Goob lagu kulmo ayey astaynayaan, ka dibna waxaan ka iibsanaynaa Xisbullah. Marka ay badeecadda na soo gaarto waxaan isku xir la samaynaynaa qaybta afaraad si ay u fududeeyaan dhaqdhaqaaqeena” ayuu yiri.

Qaybta afaraad waa qayb aad u tababaran oo ka tirsan ciidanka Suuriya, kuwaasoo loo xil saaray inay xukuumadda ka ilaaliyaan khatarta gudaha iyo tan dibadda.

Tan iyo 2018 waxaa si rasmi ah u hogaaminayey Maher Al-Asad, waa walaalka ka yar madaxweyne Asad.

Maher waxaa saaran xayiraad ay ku soo rogeen reer galbeedka waxaana lala xiriirinayaa inuu xoog ku muquuniyey dibad baxyo dalkaas ka dhacay. Waxaa kaloo lala xiriirinayaa inuu adeegsaday hubka kiimikada.

 
Maher Al-Assad (Bidix), Bashar Al-Assad Midig
Maher Al-Assad (Bidix), Bashar Al-Assad Midig

Wuxuu ninkaas ka shaqeeyey in qaybta afaraad ee ciidanka ay qayb weyn ka qaadato arrimaha dhaqaalaha.

BBC waxay la hadashay sarkaal hore oo ka goostay ciidanka Suuriya, wuxuuna ku yiri “Sababo la xiriira duruufaha dhaqaale ee adag ee la soo dersay askarta Suuriya intii uu dagaalka sokeeye socday ayaa xubno badan oo qaybta afaraad ka tirsan waxay doorbideen inay koontarobaanka shaqaystaan.

“Sidaa darteed gawaarida saraakiisha qaybta afaraad waxay bilaabeen inay qaadaan xagjiriin, hub iyo daroogo bacdamaa ay yihiin qolada kaliya ee ka gudbi karta baraha koontaroollada”.

Dhaqaalaha Suuriya waxaa curyaamiyey xayiraado iyo dagaallo, wuxuuna qarka u saaran yahay inuu burburo. Dadka wax indha-indheeya waxay sheegeen in dad badan ay si isa sii taraysa ugu tiirsan yihiin ganacsiga faa’iidada badan ee Captagon.

Joel Rayburn oo ah safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyey Suuriya wuxuu BBC ku yiri “Haddii dakhliga Captagon la joojin lahaa ama la kala dhantaali lahaa, ilama aha in rajiimka Asad ay sii jiri lahaayeen”.

BBC waxay heshay caddaymo dheeraad ah oo la xiriira in qoyska reer Asad ay ganacsigaas ku lug leeyihiin.

Sannadkii 2021 dalka Lubnaan waxaa ka billowday dacwad ka dhan ah ganacsadaha aadka looga baqo ee Hassan Daqqou oo warbaahinta Lubnaan ay u yaqaanaan “Boqorka Captagon”. Waxaa lagu helay dambi ah inuu kala gudbinayey daroogadaas ka dib markii shixnad weyn oo daroogo ah lagu qabtay Malaysia.

Shixnadaas waxaa ku jiray ilaa 100 malyan oo kaniini oo loo waday Sacuudiga, halkaasoo qiimaha wadooyinka uu ka joogo lagu qiyaasay 1 bilyan – 2 bilyan oo Doollar.

Malaysia waxay 2021 qabatay ilaa 100 malyan oo Captagon ah
Malaysia waxay 2021 qabatay ilaa 100 malyan oo Captagon ah

Kiiska waxaa lagu dhagaystay qol xiran gudihiisa, laakin kooxda BBC waxay la kulmeen qaaddiga oo u sheegay in caddaymaha badankood ay ka yimaadeen xiriir telefoonka ku dhex maray Daqqou iyo tiro ah dadka daroogada ka koontarobaaneeya.

Dacwadda wuxuu Daqqou ku sheegay inuu qaybta afaraad ee ciidanka Suuriya kala shaqaynayey la dagaallanka kala gudbinta daroogada, wuxuuna caddayn ahaan u soo bandhigay kaarka aqoonsiga qaybta afaraad. Xaakimku wuxuu sheegay intaa marka laga yimaado in aad caddayn kale la hayn taasoo xukuumadda Suuriya ku xiriirinaysa shixnadiisa Captagon.

Laakinse baaritaanka BBC ayaa arrin kale ka dhex helay dukumentiga maxkamadda oo ka kooban 600 oo bog. Waa sawirro laga qaaday farrin-qoraaleedyo WhatsApp ah oo Daqqou uu u diray qof lagu magacaabay “The Boss”. BBC oo la hadashay ilo sar-sare ayaa loo xaqiijiyey in lambarka uu leeyahay sarreeye gaas Ghassan Bilal. Lambarkaas markii la wacay lama qaban.

Maher Al-Assad (bidix), Gen Ghassan Bilal (midig)
Maher Al-Assad (bidix), Gen Ghassan Bilal (midig)

Gen Bilal waa ku xigeenka Maher – Al Assad ee qaybta afaraad, waxaana la fahamsan yahay inuu maamulo xafiiska awoodda badan ee amniga.

Farriimahaas ayuu Daqqou kagala hadlayey “The Boss” dhaqdhaqaaqa “badeecada”, taasoo la rumaysan yahay inay tahay Captagon, loona waday magaalo Suuriya ku taalla oo la yiraahdo Saboora, halkaasoo qaybta afaraad ay saldhig weyn ku leeyihiin. Wuxuu kaloo kala hadlayey in baaritaanka la dhaafiyo.

Haddii The Boss uu xaqiiqadii yahay Gen Bilal, halkaa waxaa ka muuqanaysa in mid ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa ciidanka Suuriya uu xiriir la leeyahay ganacsiga Captagon oo lagu qiyaasay Balaayiin dollar. Ge n Bilal kama uusan jawaabin farriimo ay BBC u dirtay inuu ka jawaabo.

Bishii May, Suuriya waxay dib ugu laabatay jaamacadda carabta, madaxweyne Assadna wuxuu ka qayb galay kulan goboleed markii ugu horreysay muddo 10 sano ka badan. Waxaa kaloo lagu casumay Iimaaraadka inuu kaga qayb galo shirka cimilada ee COP28 ee dhici doona 28ka November.

Su’aasha aan jawaabta loo hayn ayaa waxay tahay ilaa intee in le’eg ayey beesha caalamku cadaadis saari doontaa rajiimka si loo joojiyo mushkiladda ay Captagon ku hayso Suuriya.