Weerarrada Israa’iil ayaa la fuliyay inkastoo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu ka helay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, digniin ah inuusan aargoosan, xilli Trump uu horeba uga caraysnaa in Netanyahu uu iska indhatiray digniino uu uga digayay weerarrada Beirut.

Walaaca Trump ayaa ah in tallaabooyinka Israa’iil ay carqaladeyn karaan wada-hadallada socda ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

Sarkaal Mareykan ah oo ay soo xigatay warbaahinta Axios ayaa sheegay in Trump uu Netanyahu ku amray inuu hakiyo tallaabooyinka, isagoo ku yiri: “waxaan ku dhow nahay inaan gaarno heshiis wanaagsan.”

Waxaa jiray wicitaan dhanka khadka telefoonka ah oo aad u kulul oo toddobaadkii hore dhex maray labada hoggaamiye, iyadoo Trump aanu diidin wararka sheegaya inuu ku qayliyay oo uu aflagaaddo u adeegsaday Netanyahu xilli ay ka wadahadlayeen sii kordhinta duqaymaha Israa’iil ee Lubnaan.

Horay, Madaxweynaha Mareykanka ayaa u sheegay wargeyska Financial Times in Netanyahu uu aqbali doono heshiis kasta oo Mareykanku la gaaro Iran, maadaama “uusan lahayn doorasho kale.” Wuxuu sidoo kale yiri: “Aniga ayaa go’aanka leh, isaga ma laha go’aanka.”

Trump wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Iran ay aad ugu dhow yihiin inay heshiis gaaraan, inkastoo uu arrintaas hore u sheegay marar badan, haddana weli heshiis rasmi ah lama gaarin.