Maraykanka oo ku Adkaystay Nooc Bambooyin ah oo ay Siinayaan Ukraine
USA(Qaran)-Madaxwaynaha Maraykanka Mr Joe Baiden ayaa difaaacay go’aan ay Xukuumadiisu ugu dirayso dawladda Ukraine bambooyinka lagu magacaabo kalastar, kuwaas oo sii afar jeer qarxa, isla markaana halis ku ah cidkasta.
Mr Joe Baiden waxa uu arrintaasi ku sheegay in uu kala tashaday saaxiibadiisa ku jira gaashan buurta NATO qaarkood,isagoo cadeeyey bambooyinka kalastarka ee loo dirayo Yukrayn ay ka khatar yar yihiin kuwa wakhtigan ay ciidamada Ruushku adeegsadaan
Madaxwayne Joe Baiden waxa kale uu iftiimiyey in ciidammada Ukraine ay ku yar tahay rasaastii isla markaana uu gaabis noqday sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen weerarka rogaal celinta ah ee ay bilaabeen
Geesta kale madaxwaynaha ruushka Mr Putin ayaa ku edeeyey Xukuumadda Maraykanka iyo saxiibadeeda in ay dab kusii shidayaan dagaalka ka socda yukrayn, isagoo caddeeyey in maraykanku uu masuul ka noqon doono,haddii dagaalkaasi ku fido waddamo kale.