Wada-xaajoodyada Iran iyo Maraykanka ayaa lagu wadaa inay maanta oo Axad ah wada-hadallo nabadeed ka billaabaan dalka Switzerland, halka mas’uuliyiinta Mareykanka ay beeniyeen sheegashada Iran ee ah in la xirayo marin-biyoodka Hormuz.
Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in wafdi heer sare ah oo ka socda dalkaas ay gaareen dalka Switzerland, sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa isna ka dhoofay magaalada Washington si uu uga qeyb galo shirarka.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in marin biyoodka Hormuz la xiray, balse taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in 55 markab oo ganacsi ah ay soo mareen marin biyoodka maalintaas, kuwaas oo in ka badan 17 milyan oo fuusto oo saliid ah geeyey suuqyada caalamka.
Iran iyo Mareykanka ayaa isku diyaarinaya wadahadal iyadoo labada dal ay ku heshiiyeen xabbad joojin 60 maalmood ah.
Wadahadallada ayaa ku saabsan horumarinta heshiis ku meel gaar ah oo ay garwadeen ka ahayd Pakistan ayna saxiixeen Donald Trump iyo Massoud Pezzekian Arbacadii si loo soo afjaro dagaalka ku dhawaad afar bilood socda ee u dhexeeyay labada dal.
Bbc somali





